U bood dhigaalka

Tukaraq: Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Dagaal kooban oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalkan ka dhashay, hase ahaatee ciidanka isku dhacay ee Labada dhinac ayaa waday sahmin.

Halka dagaalka uu ka dhacay ayaa ah duleedka Tukaraq, gaar ahaan dhanka xigta Puntland.

Saraakiisha Labada dhinac waa ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan dagaalkan, hase ahaatee hadda xaaladdu waa ay deggan tahay.

72-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Tukaraq laga dareemayey xiisad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay weli socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News