U bood dhigaalka

U Dabbaaldegga Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

In aad macallin noqota waa ka macno weyn tahay in aad fasal aad soo hor istaagto oo aad xiisad bixiso. Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ka dhigeen waxbarashadda mid nool, iyaga oo u ololeynaya tacliinta, ayey dhanka kalane ka shaqeynayeen badqadka ardaydooda IWM.

Maalinta macallinka Soomaaliyeed waxaa loo dabbaaldegaa 21 November sanad walba si loo weyneeyo macallimiinta ma madaaleyaasha ah ee aan la xusin kaalintooda.

Shan qof oo isugu jira aqoonyahanno, weriyeyaal iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa dib u eegaya saameynta macallimiintooda ay ku yeesheen, ayagoo nooga warramaya macallinkii ugu saameynta badnaa noloshooda.

Xuseen Sabriye Oo Macallinkiisu ku dhiirrageliyey inuu shaqsiyad Wanaagsan yeesho

Xuseen waa qoraa madaxbannaan oo ka shaqeeya BBC, sidoo kalana ah Madaxa xiriirka Dadweynaha ee SomREN

“Macallinkii aan ugu jeclaa waxa uu ahaa barahii maaddada Computer Networking, Engineer Maxamuud Jimcaale, Madaxweynihii hore ee Jaamacadda Jamhuuriya.  Waxa uu ahaa bare ka duwan dhammaan bareyaasha kale ee wax ii dhigay. In kastoo aanan casharadii mid mid u dul istaagi karin, waxaan weli xasuustaa dun wanaagiisi iyo dadnimadiisa ay ku lammaaneed daacadnimada. Waxa uu ahaa mid ixtiraama, u dabacsan oo u dhoollacaddeeyo ardayda. Waxa uu sidoo kale ahaa bare ku dayasho mudan marka ay timaado naxariista iyo u damqashada, asagoo noo sheegi jiray in aan sadaqada la baxno una naxariisanno dadka danyarta ah. Ma illoobi doono erayadiisi iyo sheekooyinkii xambaarsanaa mecnaha weyn ee uu nooga sheekeyn jiray xilliyada aan ku caajisno xiisadda. Waxa uu ahaa mar walba mid hagaha nolosheenna iyo hab fikirkeenna Wuxuu lahaa qibrad sare oo barid ah oo sahlanayd in uu kala soo dhex baxo tusaalooyinka nolosheennaa maalinlaha ah. Uma maleyno in ay jirto wax gooya qiimaha macallimiinta ah sida Macallin Maxamuud Jimcaale, mana hilmaami doonno wanaaggaas ay noo galeen.”

Bahja Cali Shuuriye Oo Macallinkeeda ku dhiirrageliyey in Ay Nafsadeeda Ku kalsoonaato

Bahja waa Macallin Jaamacadeed, Ahna Madaxa Hormarinta Ganacsiyada Dumarka ee SIMAD Innovation iLab

Macallinkeygii ugu wanaagsana waxa uu ahaa Mr. Cabdiqaadir, waxa uu isoo dhigay maadada xisaabta fasalkeygii 6aad, waxa uu nagu dhiirragelin jiray inaan dhammeystirno isku dhisyada xisaabeed ee adag asagoo lacag siinayo qofkii ka shaqeeya. Wax ay arrintaa igu dhiirragelisay inaan si dhaqsi ah uga shaqeyo leyliyada xisaabeed ee na loo diro, kaddib markaan arbaca walba leyliyada si sax ah uga shaqeeyo waxa uu abaal marin ahaan u bixin jiray 1000 Sh.Soomaali ah, waxa aanan ku iibsan jiray sanbuus iyo jalaato. Waxa aan ahaa ardayga keliya ee abaalmarintaa qaadan jiray isbuuc walba. Arrintaa aad ayey ii farxad galin jirtay, anigoo si fudud ku xifdiyay isku dhufashada. Macallinka waxa uu iga codsaday inaan caawiye u noqdo oo ardayda kale saacido. Markaas wixii ka dambeyay waxaan ahaa qof ku raaxeysto xisaabta, waxaana aad u daneynayay inaan noqdo qof xisaabaadka ku taqasusay, Macallin Cabduqadir waxa uu igu dhiiragaliyay inaan ahmiyada siiyo casharrada iskuulka oo aan wax walba ka hor mariyo oo aan noqdo mid dhiirran oo aaminsan nafteeda.”

Cabdifataax Xasan Cali oo Macallinkiisa Ku Dhiirrageliyey in uu Barto Luuqadda Ingiriiska

Cabdifataax Waa Qoraa, Udooda Arrimaha Bulshada, Wuxuu Wax ka Aasaasay Digital Shelter

“Macallinkeygii aan ugu jeclaa waxa uu ahaa Ustaad Shaafici CabdiCasiis, waxa uu haa macallinkeygii luuqada Ingiriisiga iyo Tababaraheenna ciyaarta banooniga. Waxa uu sabab u noqday inaan si fiican u barto luuqada Ingiriiska. Waxaan jeclayn macallinka, waayo, waxa uu na bari jiray wax ka baxsan maaddada uu noo dhigo.”

Farxiya Diini oo Macallinkeeda Ku Dhiirrageliyey in Ay Yeelato Akhlaaq Wanaagsan

Farxiya Waa Ardayad Heerka 2aad ee Waxbarashada oo ka barata Hormarinta Dhaqaalaha Jaamacada Ritsumeikan Asia Pacific ee Dalka Jabaan

“Dhammaantood waan qadariya macalimiinteyda, balse macallinkeyga aan ugu jeclaa waxa ii ahaa Macallin Cabdibasid oo fasalka 4aad ii soo dhigay. Waxaan xasuustaa aniga oo cunug yar ah, waxaan ku dhex ciyaari jiray fasalka, arrinta dabcan macallinka waa ka xanaajin jirtay. Waxaa jirtay maalin uu imtixaan naga qaaday, si fiican inkasta oo aan u shaqeeyay 10 dhibcod oo lagu saxayay waxaan ka helay 2 dhibcood. Waan ka xumaaday, waxaana weydiiyay qaladaadkeyga, kaddib waxa uu igu yiri, in kastoo dhibca badan aad heshay waan kaa jaray sababto ah, waad dhaqan xun tahay. Aqoontu mecno malahan haddii uusan wehlin dhaqan wanaagsan,” maalintaas kaddib, waxaan fariisan jiray safka hore ee fasalka, si wanaagsan na waan u dhaqmi jiray, keliya ima farxad galiyaan casharada uu i baray ee sidoo kale, hab dhaqanka wanaagsan uu i baray ayaa i farxadgeliya.”

Leyla Maxamed Oo Macallinkeeda Ku Dhiirrageliyey in Ay Weriye Noqoto

Leyla Waa Tafatiraha Radio Ergo, Waxa Ay Xubin Ka Tahay Global Shapers – Mogadishu Hub

“Macallinkeyga aan ugu jeclaa macallimiinta waxa uu ahaa Mr. Faraax, waxa uu ii dhigay maadada Af Soomaaliga fasalkeyga 6aad, waxa aan ahaa gabar ku fiican qoraalka iyo eray bixinta, sidaa awgeed, Macallin faarax waxa uu igu dhiirragalin jiray inaan hore mariyo qoraalkeyga iyo aqriskaba. Kaddib markii aan dhammeeyay dugsiga sare, waxaan machad ka bartay kulliyadda saxaafadda, leyliyada na loo diro waxa ay u badnaayeen hadaljeedin isbuucle ah, adiga oo aqrinayo maqaallo kala duwan si mecno lehna u gudbinaya. Dabcan ardaydii aan isku fasalka ahayn way ku adkayd balse aniga way ii sahlanayd, sababto ah, hore ayaan u akhrin jiray, una lafaguri jiray maqaallada iyo waxyaalaha saxaafadda la xiriira. Mahad ha ka gaarto macallinkeyga Mr Faarax. Intaas kaddib, waxaan ku biiray idaacad doonaysay qof ku fiican qoraalka iyo akhriska Afka Soomaaliga. Waxaa imtixaan u galay 10 qof oo aan kamid ahaa, in badan oo dadka kamid ah waxa ay isku dayayeen in ay i niyad jebiyaan, sababto ah waxaan ahaa qofka ugu yar, ugu na qibrad yar. Waxaa la yaab leh inaan noqday qofkii shaqada ku guuleystay. Halkaan ma soo gaareen haddii aysan ahaan lahayn dhiiragalinta macalinkeyga, mar walba waxa uu ahaa mid igu dhiiragaliyo in aan noqdo mid ka sal gaarta hadafkeeda. Dhiiragalintiisa waxa ay buddhig u noqotay inaan noqdo qoraa fiican oo caawiya dadka kale oo qoraallo sameeya.”

Macallimiintu Waa Kuwa Horteenna iyo Hareeraheenna Taagan

Ayaga oo macallimiin ka ah iskuulaadka dowliga ah iyo kuwa aan ahaynba, badankood waxa ay iska xilsaareen shaqo dheeri ah oo ah in ay wax baraan carruurta iyo dhallinyaradda aan fursad waxbarasho helin, si ay wax ula qabsadaan ardayda kale, ayagoo oo uga faa’ideynaya mashruuca waxbarashadda degdegga ah ee Bar ama Baro.

Bar ama Baro waxa ay shaqaaleysiisay oo ay tababartay in ka badan 25,000 oo macallimiin iyo maamul iskugu jira si ay u siiyaan waxbarasho tayo leh arday gaaraysa 100,000 oo ku kala nool 32 degmo oo ku kala yaal Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Mashruucaan waxa uu bixiyaa taageero joogta ah oo waxbarid ah, annagoo aaminsan in lagu caawiyo macallimiinta tababaro, bugaag, hagaha macallinka iyo wax walba oo agab waxbarasha ah oo ka saacidaya in ay bixiyaan waxbarasho tayo leh, si ay u soo saaran arday waxtarleh.

Bar ama Baro waxaa maalgaliyay Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, ayadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare e Soomaaliya.

Goobjoog News