U bood dhigaalka

UCID iyo WADANI oo kulamadoodii ugu dambeeyay ku yeelanaya Hargeysa

Sheeko:Dalka

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI, ayaa yeelanaya kulamadoodii ugu dambeeyay ee ay ku cadeynayeen mowqifkooda ka dhanka ah mudda xileedka dhamaaday ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo saacada fara badan qaatay ayaa lagu wadaa in ay maanta ku shaaciyaan halka ay ka taagan yihiin muddo kororsiga madaxweynaha Somaliland ay u sameeyeen golaha guurtida.

Labada xisbi ayaa la filayay in habeennimadii xalay ahayd in ay warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa, waxaana shirkoodii jaraa’id ku yimid dib u dhac, iyadoo weli ay socdaan wadahalada labada xisbi.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu madaxweynuhu xafiiska joogo.

Madaxda asxaabta ayaa la filaya sidoo kale in ay kulama la qaatan xubna ka socda beesha caalamka iyo saaxibada taagera hanaanka dimoqoraadiyadda Somaliland.

Xisbiyada ayaa horay ugu dhawaaqay in aysan aqbaleyn in waqti dheeri ah xafiiska uu ku qaato madaxweynaha Somaliland.

Mucaaradka ayaay suurtagal tahay in ay maamul gooni ah ku dhawaaqaan, waxaana qaybo kamid ah Somaliland ka socda abaabulka isku soo baxyo ay sameeyaan dadweynaha.

Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi, ayaan dhankiisa weli ka hadlin mudda xileedka ka dhamaaday.

Sikastaba maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaannada Somaliland ka taagneyd xaalad daganaansho siyaayasadeed la’aan ah.

Goobjoog News