U bood dhigaalka

UK Oo 25 Milyan oo Pound Siisay Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaamineyso Harriett Baldwin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa lagu soo qaaday arrimo badan, oo u badnaa sida UK ay gacan u siiyo Somaliland.

Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin oo iyadu goobta ka hadashay ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”

Goobjoog News