U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka Maxay Ka Yiraahdeen Kala Diristii Wasiirada Puntland?

Sheeko:Dalka

Ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa soo dhoweeyay go’aankii baarlamaanka maamulkaasi uu ku kala diray golihii wasiirrada xukuumadda C/weli Gaas.

Afhayeenka ururadan Daahir Cumar Siyaad oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in baarlamaanka uu qabtay shaqo waajib ku ahayd oo la sugayey.

“Tani waxay qeyb ka ahayd isla xisaabtankii, baarlamaanka waxa uu gutay qodob Dastuuri ah, wasiirada haddii loo arko iney yihiin kuwo aan waxqabaneyn waa in go’aaan laga gaaro waana ay dhacday” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale Afhayeen Daahir ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas in markaan uu soo magacaabo xukuumad tayo leh oo isbedal dhab ah u keenta shacabka Puntland.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay kala diray golihii wasiirada ee maamulkaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Goobjoog News