Villa Somalia oo Laaluush Ku Bixisay Ku Dhowaad Hal Mliyan oo Dollar, UN-ka

Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay laaluush ku bixisay in ka badan nus Milyan Dollar si ay u soo saarto murashaxiinta ay taageerto doorasho ka dhacday Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii hore.
Qoraalka oo soo baxay todobaadkan waxaa lagu xusay in doorashada Koonfur Galabed ay saameeyeen qalalaaso iyo laaluush lagu iibsaday xildhibaannada, laguna bixiyey lacag u dhaxeysa $5000 iyo $8000.
“Khubarada ayaa helay warbixinno badan oo muujinaya in 82 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed loo duuliyay magaalada Muqdisho horraantii November 2018 si ay u helaan lacag horudhac ah oo ah qiyaastii $ 5,000 midkiiba, taas oo lagu beddelayo taageeradooda gaar ahaan musharraxiinta madaxweynaha, ”ayaa lagu sheegay warbixinta.
Xildhibaannadan ayaa sidoo kale doorashada kadib la siiyey inta u dhaxeysa $2000 iyo $3000, doorashadan waxaa lagu doortay Cabdi Casis Lafta-gareen oo horay u ahaa xubin ka tirsan golaha wasiirrada Xasan Kheyre.
Warbixinta khubarada waxaa lagu sheegay in arrintan laaluush bixinta ay qaabilsanaayeen 3 qof oo dowladda federaalka ah ay u xilsaartay arrinkan.
Qoraalka waxaa lagu beeniyey warbxin ay Koonfur galbeed ka soo saartay qalalaasihii ka dhacay Koonfur Galbeed ee lagu sheegay in 4 qof dhinteen, warbixinta waxaa la xaqiijiyey in lagu dilay halkaas 15 qof.
Dhinac kale, Puntland waxaa la sheegay in murashaxiinta ay bixiyeen laaluush lagu qadaray between $30,000 iyo $70,000, taas oo loo qeybiyey xildhibaannada Puntland intii ay doorashada Janaayo socotay.
Wararkan la xiriira laaluushka ay Villa Somalia bixisay waxaa ay imaanayaan xilli ay Soomaaliya mar walbo malaayiin ka dalbato beesha caalamka, sheegtana abaar iyo macluul. OCHA ayaa December sanadkii hore ka digtay in ilaa 200,000 oo ruux ay qatar ugu jiraan macluul.
Goobjoog News
Hello, blame you in regard to word! I repost in Facebook
Naturliches Viagra [url=http://cialibuy.com]Cialis[/url] Sildenafil Dapoxetine Buy Cialis Levitra Catalogo
Cialis cialis 20 mg tiujana cialis
Cephalexin Medication [url=http://buyciaonlinex.com/#]Cialis[/url] Precio Viagra Sin Receta cialis 5 mg best price usa Online Synthroid Purchase
Propecia Para El Pelo [url=http://buyciallisonline.com/#]Cialis[/url] Pentoxifylline To Buy Buy Cialis Propecia Experience Hair Transplant
Nxfpzl nnuudo genaric viagra cialis over the counter
Vdljkv jsdmlw tadalafil online cialis 20 mg