U bood dhigaalka

Waa Kuma Mulaxamiiste Jiir Oo Muqdisho Ku Geeriyooday?

Sheeko:Dalka

Allah unaxariistee waxaa goor dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday laxamiiste Cabdikariim Faraax Qaarey oo ku magac dheeraa (Jiir),  kaas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa gudaha magaalada , waxaa uu ku naf baxay.

Jiir waa geeriyooday. Cabdi-kariin Faarax Qaarey oo ku magac dheeraa (Jiir) daqiiqado ka horna geeriyooday wuxuu sannadkii 1943dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Qoyska reer Faarax Qaarey waxay ka koobnaayeen afar gabdhood iyo shan wiil. Cabdi-kariin waa aabbe dhalay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood. Degmada Hobyo ayuu ka billaabay waxbarashada aas-aasiga ah halkaas oo uu ku noolaa illaa da’diisu ka gaartay 15 jir.

Cabd-kariin waxbarashada waxaa u dhinac socday hibo faneed oo ka dhex guuxeysay isagoo goobaha dadku isugu yimaadaan ee Degmada Hobyo ka qaadi jiray HEELLOOYINKA fannaaniintii hore iyo qaar uu isagu hal-abuuray.

Sannadkii 1960kii ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho.

1963dii wuxuu qeyb ka noqday tartan faneed lagu qabtay Radio Mogadishu. Tartanka oo ay qeyb ka ahaayeen fannaaniin badan ayaa C-kariin looga qabtay HEELLO uu kala yimid Hobyo oo la oran jiray “LA YAAB” inkastoo aysan caanbixin.

Sida uu C-kariin ku sheegay wareysiyo hore looga qaaday uma muuqan inuu door ku yeelan karo HEESAHA maaddaama sida uu sheegay aan codkiisa la jecleysan.

Taasi waxay sababtay inuu u weecdo Laxan-saarka heesaha “Mullaxan” waa waddo ku cusub kana duwan fan-billawgiisii hore ee heesaannimo.

Laxankiisii ugu horreeyeyba la jeclaa waxaana taasi ku dhalisay inuu qaado dhabbe dheer oo dhaxalsiisay inuu muto magaca weyn ee uu maanta ku dhex leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Laba heesood oo laga sameeyey nolosha Jiir kuna saabsan gabar ay jacayl wadaag noqdeen isla Jiirna codka u sameeyey ayaa irdaha u furtay boqollaalka heesood ee uu laxannadooda leeyahay kuwaas oo aad muddo ka badan afartan sano ku raaxeysaneyseen.

SABAB KALE iyo RAKO oo Hiba Maxamed Cali “Nuura” ku luuqeyso, Abwaan Maxamed Cali Kaariyena miraha leeyahay Jiirna laxannada ku laray adinkuna aad jeclaateen ayaa ahaa codadkii ugu horreeyey ee C-kariin lagu barto laguna amaanay.

Labada heesoodka waxaa la qabtay sannadkii 1968dii oo ahayba billawga bad-weynta codadka ee Cabd-kariin Jiir. C-kariin wuxuu ka mid ahaa raggii iyo gabdhihii lagu aas-aasay kooxdii iftin.

Ragga ay kooxdaas wada billaabeen waxaa ka mid ahaa Abwaan Xasan Sheekh Muuumin. Xogtu waa dulmar.

 

Mawduucyada:Gobollada