U bood dhigaalka

Waare: DFS Ha Qanciso Dowladda Jabuuti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay degdeg ku xalliso mad madowga soo kala dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasi oo ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu codsaday in xayiraadda laga qaado Eretria.

Waare ayaa sheegay iney aad uga xumaadeen hadalkaasi, islamarkaana ka maamul ahaan ay aad u taageersan  yihiin shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Jabuuti ay yihiin walaalo dhab ah oo wax walboo dhaca aan lagu kala hari doonin.

“Annaga reer Hirshabelle haddii aan nahay waan idin la damqaneynaa, garabkiina ayaan nahay, hiilka aad noo muujiseen ayaan ognahay, illaa adduunyada laga duubo walaalo ayaan nahay, waxaa wanaagsan in taariikhda dib loo raaco, waxaan rajeyneynaa in arrimahan ay soo dhammaan doonaan, wanaag badan ka dhalan doono” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dowladda Jabuuti ayaa ka xumaatay in Soomaaliya ay caalamka ka dalbato in xayiraadda laga qaado dowladda Eretria oo dhul badan ka haysato dalkaasi.

Goobjoog News