U bood dhigaalka

Waare Oo Kulamo La Leh Waxgaradka Degmada Buuloburde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran  loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada Buuloburde, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan degmadaasi.

Mudane Waare ayaa ka ambabaxay magaalada B/weyne oo dhowr cisho uu ku sugnaa, halkaasi oo uu kula kulmay bulshada rayidka iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada Buuloburde waxaa sugaya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo la yareeyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News