Waare Oo La Kulmay Xildhibaanno Hirshabelle Ah

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay waxa uu magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe kula kulmay xildhibaanno ka mid ah maamulkiisa.

Waxa uu kala hadlay arrimo ku aadan mooshinkii ay dhowaan isagu ka keeneen xildhibaanno ka tirsan Hirshabelle.

Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in uu Waare ka dalbaday mudanayaashii uu la kulmay hakinta mooshinkan iyo in la yareeyo wax walbo oo caqabad ku ah horumarka Hirshabelle.

Jowhar ayaa laga dareemayaa mashquul badan, wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Hirshabelle laga keenay mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply to cialis coupon cvs Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW