U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Hirshabeelle +Sawirro

Sheeko:Dalka

Waxaa isi soo tareysa saameynta uu fatahaadda wabiga shabeelle uu geysanayo  gobolka shabeellaha dhexe iyadoo ay deegaanno horleh  biyahu gaareen waxaana ka mid ah kuwa hoostaga degmooyinka Jowhar,Mahadaay,iyo Balcad.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali oo ka hadlayay xaalada soo korortay ayaa sheegay in deegaanno hor leh ay go’doomeen biyaha maadaama ay jareen wadooyin iyo sidoo kale dhul beereedkii.

“Waxaa jirta xaalad oo soo wajahday dadka ku nool deegaannada hoos yimaada Magaalooyinka Jowhar ,Mahadaay iyo Balcad kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay inka bilaawdeen fatahaadii wabiga shabeelle uu ka waday gobolka sidaa daraadeed waxaa bulshada soomaaliyeed ka codsaneynaa in dadka ay saameeyeen lala soo gaaro gurmad deg deg ah ayuu yiri guddoomiye salaax muudeey Cali.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahad deegaanno ka tirsan gobolada shabeellaha Hoose iyo shabeellaha Dhexe iyadoo ay ku barakaceen kummaan shacab danyar ah,Dhawaan waxaa hakad ku yimid isku socodka degmooyinka Mahadaay iyo jowhar iyo in cabsi laga qabo wadada xiriirisa Jowhar iyo Mudisho.    

Goobjoog News