U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Qeybo Kamid ah Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in habeenkii Xalay xaafado kamid ah magaalada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, kuwaas oo geystay khasaare kale duwan iyo barakac ay sameynayaan bulshada ku dhaqan xaafadaha uu ka faahay Wabiga.

Wabiga ayaa ka fatahay Sagaal goobood oo kale duwan, waxaana ugu wacan kadib markii Wabiga uu keenayo biyo badan, qoysas badan ayaa ilaa shalay galinkii dambe barakacay, halka kuwa kalena ay rajo kaqabeen inuu hakado, waxaana dhacday in habeenkii xalay ay la kulmaan fatahaado ka yimid Wabiga.

Maamulka gobolka ayaa dhowaan ku guuleystay hirelinta mashruuc Biyo-xireen, kaas oo laga sameeyay dusha Wabiga, laakiin ma suurto galin inuu joojiyo biyaha badan ee uu soo rogay Wabiga, waxaana xilligaan lagu jiraa Gu’ga oo siweyn kaga da’aya gobollada dalka iyo dhanka kale ee dowlad deegaanka.

Wabiga Shabeelle oo Soomaaliya kasoo gala dhanka Itoobiya ayaa waxaa sanadkaan uu keenay biyo aad kaga badan intii lagu arki jiray taas oo ay ugu wacan tahay Roobabka sida weyn kaga da’aya deegaanno kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida iyo gobolada kale dowladda federalka Itoobiya.

Maamulka gobolka ayaa waxaa uu sheegayaa in 40% biyaha uu fatahay Wabiga ay galeen gudaha magaalada, xilli ay wali taagan tahay cabsida laga qabo fatahaad hor leh oo ka dhacda magaalada, Wabiga ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu fatahaado ka geysto gobollada Shabeellooyinka oo uu maro.

Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo sanadkaan ay galeen biyo badan ayaa waxaa ay wadaan Fatahaado xooggan oo ay ka sameynayaan magaalooyinka qaar, Wabiga Jubba ayaa hore ugu fatahay magaalada Baardheere oo geystay khasaare xooggan, xilli hadda ay cabsi ka taagan tahay magaalada Baladweyne.

Goobjoog News