U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Degmada Buulo Burde

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaado hor leh waxaa uu ka sameeyay magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, xilli ay wali taagan tahay saameynta ka dhalatay Fatahaadii magaalada Baladweyne, waxaana magalada ka bilowday barakac ay sameynayaan shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Xaafadaha Indhoceel, Bog Abeeso, Xaaji Buubey iyo Wadajir ayaa ah xaafada ugu badan ee ka dhacay Fatahaadda, Wabiga ayaa ah mid dhex mara magaalada, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu saameeyo Buundada la isaga gudbo xaafadaha magaalada , waxaana sii kordhaya walaaca Bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degamada Jaliil Ciise Foodey ayaa dowladda federalka ka codsaday in gargaar Bani’adnimo lala soo gaaro dadka ku dhaqan Buulo Burde ee Wabiga uu ku fatahay, isaga oo sheegay in Wabiga uu sanadkaan sameeyay biyo baxo aad uga duwan kii hore looga arki jiray.

Magaalooyinka Baladweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Buulo Burde ayaa xilligaan si isku mid ah u wajahaya sameyn ka dhalatay Wabiga Shabeelle , waxaana jira walaac iyo cabsi ka taagan magaalooyinka Balcad iyo Afgooye oo laga cabsi qabo inuu ka geysto Fatahaado Wabiga Shabeelle.

Goobjoog News