U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Biyo Keenay

Sheeko:Dalka

In ka badan 48-kii maalin ee lasoo dhaafay waxay biyo la’aan baahsan ay ka jirtay deegaanno badan oo uu maro Wabiga Shabelle, kadib markii uu wabiga biyo yareeyay.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee biyo la’aanta ay ka jirtay, hase ahaatee waxaa maalmihii ugu dambeeyay biyo badan keenay Wabiga.

Magaalada Baladweyne waxaa dhexmara Wabiga, waxaana magaaladaasi ka mid ahayd meelaha uu saameeyay biyo la’aantii Wabiga, hase ahaatee waxaa saacado kooban gudahood isbedal badan laga dareemay Biyaha Wabiga.

Waxaa hadda isbedalay dhadhankii iyo midabkii biyahaWabiga Shabelle, biyuhuna waa kuwo macaan oo dadkuna ay u riyaaqeen.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo u damaashaad tagay wabiga Shabelle ayaa u sheegay Goobjoog News in khamiistii abaare 2-dii duhurnimo uu biyo keenay Wabiga ayna ku faraxsan yihiin.

“Ilaahay ayaa mahad leh oo biyo inoo keenay, biyaha hadda waa nadiif oo aad u macaan, inta Wabiga uu maqnaa dad badan bay samaayen ku yeelatay, laakiinse hadda wabiga waa uu soo buuxsamay, waxaana u sheegayaa dadka kale ee naga hooseeya kuna dhaqan Shabeelooyinka in Wabiga uu biyo keenay idinkuna soo wajahan yahay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne.

Biyahan yimid ayaa hadda loo sababeynaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaannada ismaamulka Soomaalida Itoobiya halkaasi oo Wabiga uu ka yimaado.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Goobjoog News