U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Fatahaad Ka Sameeyay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha dhexe waxay sheegayaan inuu fatahaad sameeyay Wabiga Shabelle ee mara gobolkaasi.

Wabiga ayaa ku fatahay deegaanno ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe, iyadoo meelaha qaarna ay dadku ka barakaceen.

Deegaanka Maandheere ayaa kamid ah deegaannada uu Wabiga Shabelle ku fatahay sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Shacabkii ku dhaqnaa deegaankaasi ayaa bilaabay iney ka barakacaan hareeraha Wabiga, maadaama biyuhu aad u badan yihiin.

Waxaa jira deegaanno kale oo sidan oo akle fatahaad ugu sameeyay wabiga, iyadoo aysan jirin diyaar garow dadku ay sii qabeen.

Fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa imanaya xilli dadka ay horey deegaannadooda uga jirta abaar iyo cudurro.

Goobjoog News