U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Keenay Biyo Aan Badneyn

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle oo maalmihii ugu dambeeyay Biyo la’aan ahaa ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan uu keenay biyo aan badneyn xilli dad badan ay saameyn ku yeelatay biyo la’aantani.

Wararku waxay sheegayaan in deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa xiga dhanka xuduudda Itoobiya ay yimaadeen biyo ka yar kuwii hore ee looga bartay Wabiga.

Sidoo kale waxaa la filayaa in biyahan ay soo gaaraan dhammaan deegaannada Wabiga uu maro, xilli ay jireen biyo la’aan baahsan oo dadka saameysay.

Meelihii uu mari jirey Wabiga Shabelle ayaa hadda ah wadooyin ay si caadi ah u isticmaali karaan gaadiidka, meelaha qaarna carruurta ayaa kubad ku ciyaarta.

Aadan Xuseen Daa’uud oo ah wariyaheena Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo sheegaya in shacabka ku dhaqan gobolkaasi ay aad u rajeynayaan in Biyo ay helaan Todobaadyada soo socda mar hadii uu biyo keenayo Wabiga.

Biyo la’aanta ayaa saameyn ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan deegaannada gobollada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabellaha Hoose.

Dad badan ayaa isaga barakacay deegaannadii ay deganaayeen ee Wabiga uu marayey kadib biyo la’aanta oo si aad ah u saameysay, sidoo kalena waxaa jirta dad weli ku dhibban deegaanno dhowr ah.

Goobjoog News