U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno hor leh oo gobolkaasi ah.

Degmada Mahadaay iyo deegaanno kale ayaa lasoo sheegayaa in Biyo badan ay ku rogmadeen, waxaana socda dibadbax ay wadaan shacabka ku nool halkaasi.

Dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ayaa ka warhelay biyo badan oo kusoo rogmaday xaafadahooda, waxaana taasi ay keentay in ay bilaabaan barakac.

Wabiga ayaa ku fatahay deegaanno badan oo Hirshabelle ah, iyadoo dadka ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News