U bood dhigaalka

Wadahadalka Soomaaliya iyo  Somaliland Oo Nairobi Ka Bilaabanaya, Yaa Tagaya?

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Nairobi ka furmaya berri oo talaado ah wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue.

Shirkan sida uu jadwalku yahay waxaa xoogga lagu saari-doonaa arrimo ay ka mid yihiin: Haddii ay jiraan guulo ama guul-darrooyin la xiriira wada hadalladii la soo galay iyo halka la joogo, kaalinta gobolka ee ku aadan wada hadalka, waxaa kale oo ku jira sida loo bilaabayo wada hadalka.

Dadka casuuman ee goobta ka hadlaya waxaa ka mid ah:

  1. Oglan Baker: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
  2. Taariq Chaudhry: Agaasimaha xafiiska siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, UNSOM
  3. Maxamed Cabdi Rodol: maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, Somaliland.
  4. Nuur Diiriye: Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya
  5. Cabdisatar Geelle: Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada, Soomaaliya
  6. Alexander Rondos: Ergeyga EU ee Geeska Afrika
  7. Baashe Cumar: Wakiilka Somaliland ee Kenya
  8. Maxamed Guyo: Ergeyga IGAD ee Soomaaliya
  9. David Korpela: La-taliye dhanka siyaasadda, Ergeyga EU ee Soomaaliya
  10. Johan Svenson: Safiirka Sweden ee Soomaaliya
  11. Esra Guhadar: oo wax ka dhigta Jaamacadda Bilkent, Ankara
  12. Jeffrey Bakken: Agaasimaha USAID ee Soomaaliya.
  13. Xasan Cumar Madaalle
  14. Stuart Brown: Uk xafiiskeeda ee Somaliland.

Goobjoog News