U bood dhigaalka

Waddooyinka Gaalkacyo Qaarkood Oo La Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dayactir ku bilaabay waddooyinka magaaladaasi qaarkood oo burbur xooggan uu ka muuqdo.

Waddooyinka hadda la dhisayo ayaa ah kuwa inta badan ay biyuhu fariisan jireen, islamarkaana saameenayey isku socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Xirsi Yuusuf Barre, duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shacabka laga doonayo bixinta canshuurta, si ay u suurtagasho qabashada adeegyada muhiimka ah.

“Dadka reer Gaalkacyo waxaan leeyahay abaarihii haddii ay dhammaadeen, colaadiina laga nastay oo nabad la haysto waa in loo soo jeeesto horumarinta magaalada, canshuurta markaad bixisaan ayaa wax la qaban karaa, waxyaabo badanna wey inoo harsan yihiin” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Waddooyinka qaar ee magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa kuwo aad u burbursan, balse shacabka iyo maamulka magaaladaasi ayaa bilaabay dib u dhiska waddooyinkan.

Goobjoog News