Wafdi Ka Socda Dowladda Oo Gaaray Cadaado

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka DR Ibraahim Iidle Suleymaan waxaa socdaalkani ku wehlinaya xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu horkacayay madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi.

Wafdiga ayaa madaxtooyada magaalada Cadaado kulan kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana laga wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha garsoorka, maxkamadaha iyo arrimo kale.

Warar ay heleyso Goobjoog News ayaa sheegaya in wafdigani ay caawa ku hoyanayaan magaalada Cadaado.

Weli saxaafadda lama aynaan hadlin wafdiga dowladda ka socda ee gaaray Cadaado.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW