U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Oo Ku Wajahan Magaalooyinka B/weyne Iyo Baardheere

Sheeko:Dalka

Sida qorshaha uu yahay, maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalooyinka B/weyne oo Hiiraan ah iyo Baardheere oo Gedo ah ay gaaraan xubno ka socda guddiga gurmadka qaran ee fatahaadaha Wabiyaha dalka.

Xubnaha aadaya dhanka Baardheere ayaa soo qiimeyn doona sida qorshaha yahay khasaaraha uu geystay Wabiga Jubba oo ku fatahay degmadaasi iyo deegaanno  kale oo ku dhow.

Sidoo kale Xubnaha aadaya B/weyne ayaa sii qaadi doona gurmad loogu talogalay dadka ka barakacay fataahadda Wabiga Shabelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga magacowday Todobaad ka hor, waxaana ay ka kooban yihiin 22 xubnood.

Khamiistii aynu kasoo gudubnay ayuu guddiga gaarsiiyey magaalada B/weyne gurmad loogu talogalay dadkan ka barakacay fatahaadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News