U bood dhigaalka

Wafuud Tiro Badan oo Gaartay Kismaayo Si Ay Uga Qeyb Galaan Caleemo-Saarka Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wafuud kala duwan ayaa illaa saakay ka dagaysay garoonka magaalada Kismaayo si ay uga qeybgalaan xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa ka mid ah waftiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Tedros Adhonom, wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, safiirka Turkiga ee Soomaaliya Bekar Olgan, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, xildhibaan Yuusuf Xaaji, iyo xildhibaan Aadan Barre Shiil oo Kenya ka socdey.

Waxaa sidoo kale ka mid ah wafuudda xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo tiro badan.

Waxaa horey shalay u gaaray Kismaayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayay.

Xarunta ay ka dhacayso xafladda ayaa aad loo diyaariyey, waxaana si weyn loo sugay amniga.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada