U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Abaarta Ka Jirta Puntland

Sheeko:Dalka

Dadka iyo duunyada ayaa oon dartiis ugu geerioonaya degaanno ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland kadib abaaro ku dhuftay gobollada waqooyi Bari.

Degaannada ay ka jiraan abaaraha xoogga leh iyo biyo la’aanta ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeesheen dadka iyo duunyada.

Degmada Eyl ayaa kamid ah meelaha biyo la’aanta dadka ay ugu dhimanayaan kadib markii ay u adkeysan waayeen harraad biyo la’aanta awgeed.

Gabar yar ayaa lagu sheegay qofka oonka ugu dhintay degaanno hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Hiraad Maxamed Muuse oo kamid ah golaha degaanka Eyl ayaa u sheegay Goobjoog News in biyo la’aanta iyo abaarta jirta darteed ay sababeen in cudurro iyo dhimasho.

Waxa uu sheegay in biyo dhaamin ay u sameeyeen illaa 40 degaan balse aysan waxba u tarin dadka goobahaasi deggan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in booyado lagu dhaamin lahaa biyaha ay u waayeen shidaalka ay ku socon lahaayeen ama lagu wadi lahaa.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay mar uu ka hadlay magaalada Garoowe wuxuu ka sheegay in hay’adaha samafalka inay caawiyaan dadka ay abaaruhu dhibaateeyeen.

Goobjoog News