U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuw Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Busaar ee gobolka Gedo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho dhaawac.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xilli saq dhexe ah fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana dhacay dagaal xooggan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in ugu yaraan Hal qof uu dagaalkaasi ku dhintey Saddex kalena dhaawac uu kasoo gaaray.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Gedo weli kama aanay hadal dagaalkan, iyadoo xaaladda maanta ay tahay mid deggan.

Goobjoog News