U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Axad ah ka imaanaya Tuulada Jameeca Misre ee shabellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, kadib markii shalay halkaasi ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Labo beel oo walaalo ah.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in la dareemayo xiisaddii u dhaxeysay Labadan beel, hase ahaatee aanu jirin wax dagaal ah.

Dagaalkii shalay ka dhacay Tuulada Jameec Misre iyo deegnnada ku dhow waxaa lasoo sheegayaa iney ku dhinteen 3 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalladan oo kusoo noqnoqday tuuladan ayaa bilowday bil kahor, iyadoo intii ay dagaalladan socdeen ay dhinteen dad ka badan 20.

Maamulka Hirshabelle iyo kan Shabellaha Dhexe weli si toos ah uma aanay kala dhexgalin dhinacyadan ku dagaallamaya gobolkaasi.

Goobjoog News