U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxyadii Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

Degaanaansho ayaa saakay oo sabti ah laga dareemayaa xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho,  kadib markii habeenkii xalay  illaa 3 qarax ka dhaceen.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay meel gaadiidka la dhigto oo ku yaalla Hotel ku dhow KM0 ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxaa xigay 2 qarax kale oo isna ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya, waxayna sidoo  kale ciidamada ammaanka ay kahor tageen rag ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaa iney xarumo muhiim ah weeraraan.

C/casiis Xildhibaan, afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay iney toogteen 5 ka tirsan dagaalyahannada A-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo aadan ay soo bandhigi doonaan khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii yo qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

18 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Isgoyska Km (0) Jubba 20 kalena waa ay dhawacantay Sida Goobjoog News u xaqiijiyey agaasimaha Amiin Ambulance.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News