Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Ay Ciidamada DFS Ka Wadaan Sh/hoose

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo warar dheeraad ah laga helayo howlgallada.

Howlagallada xooggooda waxaa ay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ka wadaan deegaannada kala ah Awdheegle, Mubaarak, Sablaale iyo Kuntuwaarey.

Waxaa jirta iska hor imaadyo ay ciidamadan kala kulmeen kuwa Al-shabaab, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dhanka kale, shacabka ku sugan deegaannada ay ku wajahan yihiin ciidamada dowladda ayaa bilaabay iney barakacaan, waxaana ay ka baqanayaan dagaallo ka dhaca deegaannadooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW