U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Marka Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Dagaal qaab beel u abaabulan ayaa shalay waxa uu ka dhacay magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaaladdaan oo ka dhacay duleedka magaaladaasi ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dad ka badan 5 ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan ayaa gelinkii dambe ee shalay si iskiis ah u qaboobay, inkastoo ay jiraan waxgarad ku howlan daminta colaadda jirta.

Saaka xaaladda magaalada Marka aad ayeey degantahay, waxaana dib u furmay goobihii ganacsiga ee shalay dagaalladaasi ku xirmay.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa inoo sheegay in shacabka ay ka baqayaan oo kaliya in mar kale la dagaallamo.

Goobjoog News