U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, kadib markii shalay halkaasi ku dagaallameen maleeshiyaad dhul isku haysto.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 5 qof, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay.

Deegaanka lagu dagaallamay waxaa xalay illaa iyo saakay ku qulqulayey ciidanka Somaliland iyo waxgarad, kuwaasi oo kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaallamay.

Waxgaradka ayaa bilaabay durba kulamo ay la kala yeelanayaan Labada dhinac ee is haya si xaaladda loo qaboojiyo, wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News