U bood dhigaalka

Warbixin : Baardheere oo Durba Lagu Hardamayo Maamulkeeda

Sheeko:Dalka

Shalay waxaa si rasmi ah loola wareegey magaalada Baardheere oo ay gacanta ku hayeen xooggaga Alshabaab kuwaasi oo ka talinayay muddo 7 sano ah.

Hase yeeshee 24 saac ka yar markii gacanta Alshabaab laga saaray magaalada ayaa waxaa jirta hubanti la’aan cidda sida rasmiga ah u maamusha magaalada iyo waxa ay ku dambeyn doonto.

Waxaa magaalada la wareegey ciidamada AMISOM ee ka kala socda Kenya iyo Itoobiya, waxayna noqoneysaa markii koowaad oo ciidamo ka socda labadan dal oo ay meel wada qabtaan.

Maamulka Lagu Hardamayo

Laakiin caqabada koowaad waxa ay ka taagantahay ciidamada Soomaalida ee la kala socda kuwa AMISOM, ciidamadan waxa ay isugu jiraan illaa sedex nooc oo ka kala amar qaata talisyo kala duwan, islamarkaasina is diidan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Fartaag oo hadlay waxa uu sheegey in Baardheere ciidamada qabtay ay yihiin kuwa Jubbaland iyo kuwa AMISOM, balse waxaa hadalkaasi mid ka duwan sheegey Col. Cabbaas Ibraahim Gureey oo sheegey in ciidamada meesha qabtay ay yihiin kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM.

Waxaa iyaguna jira ciidamada Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo sheegey in magaalada Baardheere ay la wareegeen ciidamadooda iyo kuwa AMISOM.

Col. Cabbaas Gureey oo ka mid ah ciidamadii tababarka kusoo qaatay dalka Kenya sannooyin ka hor intii aanan Kismaayo lala wareegin ayaa waxa ay isku dhaceen maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam, waxaana dhacday in mar laga tarxiiley magaalada Kismaayo, marna ay xireen ciidamada Kenya.

Wixii intaasi ka dambeeyey waxa uu ku sugnaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaasi oo uu taliye u ahaa ciidamada dowladda federaalka magacooda ku shaqeeya.

Jihooyinka Laga Galay Magaalada

Muddo aad u dheer ayaa la hadal hayay hawlgalka lagu qabanayo magaalada Baardheere, iyada oo wararkii ugu badnaa ee Goobjoog ay ka tabisey gobolka Gedo ay u badnaayeen saraakiisha ciidamada dowladda oo ku hanjabaya in ay Alshabaab ka saari doonaan Baardheere iyo Gedo.

Ugu dambeyntii taasi waxa ay suurogashay shalay oo Alshabaab laga saaray degmadii ugu dambeysey ee ay ka heysteen gobolka Gedo.

Kadib todobaadyo la’is fadhiyey oo ay dhacayeen dagaalo, duqeymo iyo is-horfadhi ayaa waxaa dhacday in ciidamada Alshabaab ay isaga baxaan magaalada, waxayna u kala baxeen labo jiho oo kala ah dhanka Diinsoor iyo dhanka Bu’aale ee xarunta Jubbada Dhexe oo ay wali ka taliyaan Alshabaab.

Tani waxa ay sahashay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay galaan magaalada, dagaal la’aana kula wareegaan.

Waxaa ugu horeyn magaalada galay ciidamada Kenya ka socda oo ay wehiliyaan ciidamada militariga Soomaaliya ee uu Col. Cabbaas Gureey hogaamiyo, kuwaasi oo kasoo dhaqaaqay deegaanka Faafaxdhuun oo koonfurta ka xiga Baardheere.

Saacado kadib waxaa dhanka waqooyi magaalada ka galay ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan ciidamada Jubbaland oo kasoo raacay magaalada Dooloow, iyaga oo kasoo galay dhanka degmada Ceelwaaq. Dabcan waxaa la maleyn karaa in ay la socdeen ciidamada Ahlu Sunna maadaamaa ciidamadani ay horey usoo mareen magaalada Balad Xaawo.

Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Itoobiya iyo Kenya ayaanan laftooda siyaasad mideysan ka lahayn sida loo wajahayo arrimaha, waxaana la hadal hayaa jiritaanka qorshe ay Itoobiya damacsantahay oo ah in iyagu ay ugu dambeynta ku hari doonaan maamulista deegaanadaasi.

Inkasta oo ay Alshabaab ka baxday magaalada Baardheere, haddane waxaa la filan karaa in ay jiri doonto go’doomin sida ka dhacday meelo badan oo Alshabaab laga saaray sida Xudur, Waajid iyo Buulo Burde.

Ka hor inta aanan laga hadlin sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada kale ee ay heysato, ayaa waxa ugu horeeya ee u yaala ciidamada meesha wada qabsaday ay tahay sidii iyaga dhexdooda ugu heshiin lahaayeen maamulista magaalada, waxayse su’aasha ugu weyn ka taagantahay cidda ay la safan doonaan AMISOM.

Goobjoog News