Warbixin Kalluumeysiga Hobyo oo Dib Uga Soo Kabanaya Dhiibatadii Burcad Baddeeda (Sawirro)

Dhamaan dhulka la degenyahay ee xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa iska caadi ah kalluumeysiga iyo lasoo bixista kheyraadka badda, magaalada Hobyana kama duwana, hase yeeshee waxaa jira waxyaabo ay la gaartahay, qaas ahaan sanadihii lasoo dhaafay

Waxaa la ogyahay in kalluumeysatada Soomaalida ay yihiin kuwa garab rarato ah oo aanan heysanin qalab iyo gaadiid ku filan oo ay kusoo saartaan kalluun badan, waxaana taasi oga sii daray la’aanta suuqyo loo iib geeyo, xitaa gudaha dalka oo aanan aad looga isticmaalin kalluunka.

Laakiin waxaa taasi ka culeys batay kalluumeysiga sharci darada ah ee maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo waxyeelo xoog leh u geystey kalluumeysatada Soomaalida oo markii horaba iskood dacbaan u ahaa.

Arrimahani waxa ay horseedeen in ay dhashaan kooxaha burcad badeeda, magaalada Hobyana waxa ay mar noqotey xarumaha ugu waaweyn ee kooxahani.

Maanta magaalada Hobyo ma joogaan kooxihii burcad badeeda, mana jiro markab aha badmaaxiin shisheeye oo lagu heysto, waxaana si tartiib tartiib ah usoo kabsanaya hawlihii kalluumeysiga.

Markii aan booqdey xeebta magaalada Hobyo waxaan ugu taray doomo badan oo nooca kalluumeysiga ah oo baroorsinka loo xirey, waxaa kale oo xeebta taagan gaadiid aanan badneyn oo ah nooca lagu rakibey qaboojiyeyaasha oo badda ka daabulaya kalluunka si loogu suuq geeyo dalka Itoobiya iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Halkii gaari oo qaboojiye ah waxa uu ku buuxsami karaa muddo hal bil ku dhow sida uu Goobjoog u sharaxayo mid ka mid ah dadka wata gaadiidkani oo lagu magacaabo Guduudoow.

“Halkii kilo oo kalluun ah waxaan Hobyo ogaa gadanayaa nus doolar, marka Itoobiya la geeyo waa shan doolar” ayuu yiri Guduudoow.

Maamulka Galmudug oo ka arrimaya qeybo badan oo ka mid ah xeebaha gobolka Mudug ayaa waxa uu leeyahay wasaarad kalluumeysi oo shaqooyin badan ka qabata arrimaha horumarinta kalluumeysiga, wasaaradda ayaa waxa ay xafiis ku leedahay magaalada Hobyo, waxaana wasaaradda agaasime xagga kalluumeysiga ka ah Nuur Cosoble, Goobjoog ayuu oga waramay hawlaha kalluumeysiga ee deegaanadan ka socda iyo caqabadaha jira.

“Illaa 40 bugcadood oo kalluumeysi ayaa jira Mudug, balse dhibaatada naga heysata kalluumeysiga sharci darada ah ayaa ah mid aanan waxbo laga qaban Karin” ayuu yiri mas’uulka.

Shaqada kalluumeysiga Hobyo waa mid meelo kala duwan looga yimid, waxaanan aragnay kalluumeysato badan oo ka yimid gobolada dalka qaar illa Shabeelada Hoose, dadkani waxa ay si gaar ah oga shaqeeyaan jalaabashada aargoosatada oo iyada loo suuq geeyo magaalada Muqdisho, waxaan la kulanay  Maxamed Axmed Xuseen oo loo yaqaano Sulfa, kaasi oo ii sheegey in illaa sanadkii 1988-dii uu ka shaqaysanayay hawlaha kalluumeysiga

 

“Aargoosatada waa qaali, halkan ayaan ka qaadnaa, Muqdisho ayaan u suuqgeynaa, mararka qaarkoodna waxbo ma helno anaga oo faramaran ayaan guryaheena ku laabanaa” ayuu yii Sulfa.

Waxaad arkaysaa, islamarkaasina kuu xaqiiqoobaya in dadka Soomaaliyeed ay heegan u yihiin in lasoo baxaan kheyraadka dalka balse ay ka tan badanyihiin caqabadaha jira, tusaale ahaan maalmihii aan Hobyo ku sugneyn waxaa dhacday in markab kalluumeysi oo sharci darro ah uu kalluun kusoo qubey xeebaha kadib markii uu kala baxay intii uu doonayay, markii dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka isku dayeen in ay wax ka qabtaane waxaa soo hareer istaagay markab dagaal oo ka mid ah kuwa lagu sheego in ay baddaha waardiyeynayaan.

Dadka waxay kuu sheegayaan in haddii aanan xal laga gaarin dhibaatoyinka ceynkaasi ah aanan la qariibsan doonin in ay soo laabtaan kooxihii burcad badeeda ama dadkaba ay sharciga gacmahooda ku qaataan.

Hobyo waxaa wali ka muuqda raadadkii burcad badeeda, sida markabkan oo muddo 3 sano yaalay xeebta kadib markii ay afduubteen kooxaha burcad badeeda.

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir Saxansoxo

Goobjoog

Cadaado

9 1 2 3 4 5 6 7 8 20 21 22 23