U bood dhigaalka

Warbixin: Suuqyada Soomaaliya oo Sicir-barar La Il-daran

Sheeko:Dalka

Sare-u-kac iyo sicir-barar xoog leh, oo saameeyey nolosha dadka ayaa maalmahan laga dareemayaa badeecooyinka sida cuntada, guud ahaan bagaashka, daawada, khudaarta, shidaal-ka, dharka iyo kabaha, Cosmetics-ka, qalabka dhismaha, iyo  waxyaabaha electronics-ka.

Goobjoog News ayaa booqatay suuqyada magaalada Muqdisho, innaga baaris ku sameynay isbadalka qiimaha ee badeecooyinka kala duwan.

Isbadalka Qiimaha Shidaalka: Xogtan waxaan ku ogaanay, sida ay ganacsatada sheegayaan in qiimaha shidaalka uu gaaray heekii ugu sareeyey, iyada oo markii ugu soo dhowaa ay aheyd 2013.

“Waa markii ugu horeysay uu gaaro heerkan, waxaana hadda iibinaa 1-kii Litir 0.9 oo dadku aysan ogoleyn, heerkaan wali  gaarin, tan iyo 2013-kii markaas uu gaaray 0.7 meesha ugu sareyso, sare u kaca ayaa soo bilowday markii COVID-19 uu yimid, markaas Literku ahaa 0.4, wixii ka dambeeyey sare ayuu usii socday, laakii Naftada badanaa lama isticmaalo waa caadi” . ayuu yiri ganacsado isaga oo intaa raaciyey  “Hadda shidaalka sidii hore uma yimaado waxaa yimaado wax ka yar intii hore, baahida iyo gaadiidka caasimaddana waa kuwa ka badan sidii 2020-kii, waxaa Muqdisho laga dhisay goobo badan oo shidaalka lagu iibiyo, laakiin shidaal badan ma yaalo”.

 Cuntada: Sicir barar-ka waxaa kale uu saameeyey cuntada ugu badan ee ay dadku isticmaalaan sida Bariiska, Burka Sokorta, iyo Caanaha.

Ganasatada iibisa qutul daruuriga waxaa sidoo kale ay inoo sheegeen in Caana Booraha oo si weyn Soomaaliya looga isticmaalo uu sare kac ku yimid, iyaga oo xusay in qiimihii la siisan jiran 2020-ka Kartoonka caanaha ay ku horartay lacag u dhaxaysa $6 ilaa $7, waxaana ay  ka dhigan tahay in  1 gasac oo caanaha ah ay ku horartay wax kabadan $1.$ ilaa $2 qiimaha caanaha.

Ganacsadataan waxaa ay sheegeen in sababta maciishada kacday ay tahay in suuqyada ay ku yaraadeen Konteenarada oo lacagihii la kireyn jiray 3 jibaar hadda lagu soo kireeyo, iyaga oo xusay in markii hore halkii xabo lagu jireyn  jiray $3,000, laakiin hadda uu marayo $14,000$ ilaa $15,000, iyo ganacsada oo sidii hore aan dibadda u aadi karin sababo Corona la xiriira.

Khudaarta dalka iyo dibadda: Baaristan waxaan ku ogaanay in khudaarta gudaha aaney isbadalin, laakin sicir bararku uu saameeyey khudaarta laga keeni jiray dibadda.

Tusaale ahaan, Yaanyo shiishiidda oo isticmaalkeedu badan, laga keeno dibadda halkii Kartoon waxaa uu ahaa $12 hadda waxaa uu marayaa $12, uuna sii socdo, dhan kale maraq digaagga oo ahaa kartoonkiisa $37, ayaa hadda waxaa la iibiyaa $40, uuna kor u sii socdo, waxaa ayna ganacsatada sheegayaan in dhammaan khudaarta dibadda ay mid weliba ku korortay $3-$6.

Dharka iyo Kabaha: Baarista waxaan ku ogaanay in sicir barar uu ku dhacay dharka iyo kabaha, rag iyo haweenba, xilli ay foodda inagu soo heyso ciidda fidriga, iyada oo aaney muuqan wax isbadal ah.

Ganacsatada waxaa ay Goobjoog News u sheegeen  in marka si hoose looga hadlo jooga dharka ah gabadhu xirato ay ku korortay $10 iyo wax ka badan, halka jooga wiilku xirto ay ku xirto isaguna uu la mid yahay, waxaa ganacsadahaas uu carabka ku dhuftay in sicirka kacay uu keenay suuqa inuu dhaqdhaqaaqiisa yaraado dadkuna aysan waxba ka iibsaneyn.

Cosmatacska waxaa ay ka mid yihiin waxyaabaha sida maalin laha ah loo isticmaalo, waxaana ganacsatada iibiisa ay Goobjoog News ay u sheegeen in ay ka mid tahay goobaha sida weyn uu u saameeyey sare u kaca, maadaama alaabta laga keeno dibadda sida Turkiga iyo wadamada Asia, waxaana siw eyn looga dareemayaa sare u kac marka aad tagto xarumahas.

Ganacsatada nala hadlay, waxaa ay xuseen marka laga hadlaayo alaabta Cosmatacska sheyga aan lacag ku darsamin uu ku darsamaya $0.5, halka alaabihii $10 lagu iibin jiray hadda la iibinaayo $15,   waana sicir sare marka la eego.

Electronic: marka laga hadlaayo Electronics ganacsatada iibisa waxaa ay inoo sheegeen in sicirka kacay ay qeyb ka yihiin waliba si aad ah uu u kacay, waxaana gacasatada Goobjog News la hadlay ay sheegeen in Mobile-lada oo aad dalka looga isticmaalo sare u kac ku yimid labadii sano ee tagtay, waxaana mid ka mid ah ganacsatada iibisa uu inoo sheegay in halkii Mobile ay ku horortay lacag ka badan $30.  Tusaale ahaan Samsum Glaxsy A10, waxaa 2020-kii $105 ilaa $110 hadda waxaa la iibinayaa $130 ilaa $140, waana baaxadda sicirka suuqa ka jira” ayuu yiri ganacsadahaan iibiya qabaka Electronics.

Qalabka Dhismaha: Qalabkaan oo intiisa badan ka yimaado dalka dibaddiisa ayaa waxaa ku yimid sare u kac  qiimaha la kala iibsado gudaha caasimadda ah maadaama dhismuhu uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee aadka loo isticmaao, waxaa kacay shey waliba oo quseeya dhismaha ha ugu yaraado Musmaarka Alwaaxa iyo Jiinkadda isku haya oo qaarkood la waayey.

Mid kamid ah ganacsadata iibisa Qalabka dhisma ayaa Goobjoog News  waxaa uu la wadaagay in qalabka dhismaha oo inta badan banaanka ay ka keenaan uu gaaray heerkii ugu sareeyey 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu intaas ku daray in sabab ay u tahay qaaliga ku yimid Koonteenarada ;agu keeno alaabta iyo qalabkaan oo sidii hore aan u soo galin  dalka.

” Walaahi waxaan kuu sheegi karaa in qalabka dhismaha uu gaaray heerkii ugu sareeyey shey waliba oo qalab dhima sheegta waxaa ku darsamay lacag, Musmaarka oo ugu yar $0.5 aan gadi jirnay hadda waxaan iibinaa $1.5 ilaa $$ qaarkood ayaa suuqa laga waayey sida Numbarka 2-aad oo dadku ay aad u qaataan, Shamiitada $$ ilaa $6 ayey joogtay hadda $8 ayaan gadaynaa”.

Ganacsaduhu waxaa uu sidoo kale Goobjoog News u sheegay 2020- 2022-ka inuu jiro farqi weyn, waxaana uu sabab uga dhigay dunida gacasigii ay Soomaaliya la laheed oo yaraaday ganacsatada oo aan gacsiga u keenin sidii hore iyo qaaliga Konteenatada la kireeyo oo alaabta looga soo raro  Shiinaha oo Mareykanku uu la wareegay, waxaana uu sheegay meeshii $300 lagu kireyn jiray in hadda lagu kireeyo $13, 000 ilaa 15, 000, taasna ay keentay inaan wax badan imaanin gudaha dalka.

Goobjoog News