U bood dhigaalka

Wariye Coldoon Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa uu markii Labaad kasoo muuqdo wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Coldoon oo ah Wariye ayaa sidoo kale ah Samafale aad looga yaqaano guud ahaan dalka, waana shaqsi u ololeeya arrimaha bini’aadannimada.

Wariye Coldoon ayaa ku eedeysan kicin dadweyne iyo sidoo kale arrimo lagu sheegay iney wax u dhimayaan madax-bannaanida ay sheegatay Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News