U bood dhigaalka

Wariye Koonaa oo ku geeriyooday qaraxyo Muqdisho ka dhacay

Sheeko:Dalka

Allaah u naxariistee waxaa goordhaw qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Ciise Koona, kaas oo kamid ahaa wariyayaasha sida wayn looga yaqaano dalka.

Koonaa ayaa la soo wariyay in uu ku geeriyooday qaraxyo maanta ka dhacay xarunta wasaaraddaa waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare.

Allaah u naxariistee wariyaha ayaa mudda dheer ka shaqeyanayay warbaahinta, waxaana horay uu uga mid ahaa wariyayaashi soo maray Goobjoog.

Koonaa ayaa hadda ka hawlgalayay talefishinka Universal, waxaana uu ahaa wariye ku suntan aqlaaq wanaag iyo hawlkarnimo.

Wariye Maxamed Ciise Koonaa, ayaa horay kooxa burcad ah ay u dileen Hooyadiis, Aabbahiis iyo Walaalkiis, waxaana uu ahaa midka ka haray qoyskiisa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada