Wariyeyaasha Somaliland Oo Cabasho Ka Ah Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyin ay la kulmaan dhammaan wariyeyaasha ka shaqeeya deegaannada Somaliland.

Waxay sheegeen in ugu horreyn ay maamulka Somaliland ka dalbanayaan in si shuruud la’aan ah uga shaqeeyaan sidii lagu sii deyn lahaa Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo dhawaan laga qafaashay magaalada Tog-wajaalle ee xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wariye Nuux ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kadib markii la sheegay in uu warbixin aanay jeclaysan maamulkaasi kasii daayey muuqaal baahiyaha uu ka howlgalayey ee HCTV.

Sidoo kale wariyeyaasha ka shaqeeya Burco ayaa cambaareeyay xariga uu maamulka Somaliland u geystay wariye Sadiiq Carab oo ka howlgalayey magaalada Berbera.

Dhibaatooyinka ay la kulmayaan saxfiyiinta ka howlgala Somaliland ayaa aad usoo badanaya, waxaana wariyeyaashan la xiray xilli ay ku guda jireen howlaha ay bulshada u hayeena.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW