U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, waxaa ay maalintii 2aad ku qabatay caasimadda Muqdisho kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran.

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, waxaa ay maalintii 2aad ku qabatay caasimadda Muqdisho kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kala socda dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Caydaruus Macallim oo daahfuray ayaa ku booriyey ka qeybgalayaasha in ay wax biiriyaan howlaha socda isaga oo yiri “Maanta waa maalintii 2-aad ee kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran, shalay doodo muhiim ah ayaa halkan ka dhacay, waxaan filaa natiijooyin qurux badan in ay kasoo bixi doonaan, waxaan idiinka mahadcelinayaa inaad wax ku biiriseen horusocodka waddanka”.

Kooxo kala duwan ee ka tirsan qeybgalaya kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran ayaa goobta kusoo kusoo bandhigay xalka ugu wanaagsan ee dhab u heshiinta.

Arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ah sida ay tahay dhab u heshiinta, is cafinta, wacyigelinta, cadaaladda, kaalinta bulshada, doorka dowladda iyo maamullada iyo arrimo kale.

Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Aadan Cabdulahi Barre oo ka socda bulshada rayidka isaga oo ku dheeraaday arrimaha dhab u heshiinta.

Aaadan oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxa laga hadlayo waxaa waaye dhab u heshiisin, su’aashu waa goorma ayaan gaari karnaa? Soomaaliya haddii aan nahay tuugga garab ayuu leeyahay, tol garab ayuu leeyahay, haddii taas laga gudbo dhab u heshiisiin ayaa la gaari karaa. Dhab u heshiisiin waxaa la garaa marka la helo dib u heshiisiin, waayo haddii uusan khilaaf jirin lagama hadli laheyn dhab u heshiiin ama dib u heshiiin.

Aadan Barre, waxaa uu soo jeediyey in la sameeyo tiirnaayo bixin isaga oo kayiri“Dhibbanaha inta uu cuqdadeysan yahay, oo aan la turxaan bixin dibka lagama baxo, turxaan bixin la’aan yaan dib u heshiisiin loo gudbin, waa in dhibanaha tixgelino qofka, qabiilka iyo qoyska, muhiimadda waa turxaan bixin, oo runta la isu sheego, oo la is cafiyo” Waxaa intaa ku daray “Khilaafka marka uu dhaco, waxaa uu baahanyahay (1). In la falanqeeyo oo la ogaado dadka uu u dhaxeeyo, (2). In la ogaado ma mid umadda isu keenaya mise mid kala geynaya. (3). In Cadaalad la helo. Khilaafka ugu badan waa mid dabiici ah iyo aan sababteeda leenahay, kuwa dadka sababaan waxaa ka mid ah qabyaalad, faquuq, isweyneysi iyo kufsi.

Barre, waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Soomaaliyey, haddii wixii hore aan la iloobeyn, oo aan bog cusub la fureyn dhab u heshiisiin lama gaarayo, waayo barnaamijkan dhab u heshiisin waa mid muhiim ah waxaa u baahan heer qaran, heer deegaan ilaa heer qoys.

Cabdiqaadir Shirwac oo ka socday wasaaradda gashaandhigga ee XFS ayaa waxaa uu sheegay in dhab u heshiinta ay u baahan tahay qeexid isaga oo intaa raaciyey “ ka wasaarad gashaandhig ahaan waxaa kala shaqeyn doonaa wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta arrimaha xasillinta iyo dhab u heshiinta, waxaa muhii ah in la qeexo, oo la sheego yaa muhiimadda leh iyo weliba in qorshaha lagu daro deegaannada la xoreeyey qaabkii adeegyo loogu heli lahaa.

Dhankiisa, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha hay’adda culimaa’diinka Soomaaliyeed waxaa uu ka hadlay diinta islaamka iyo arrimaha dhulka isaga oo yiri “Soomaali waxaa ay isku heysto waa lahaanshiyo dhuleed qof ama qabiil iyo isku heysi maamul, marka dhul la yiraahdo waa in diinta lala aado, dhulka ilaah ayaa abuuray, oo iska leh, banii’aadam ayaa loogu talogalay, midda kale dhulka cidda lahaan kartaa waa labo qof ayaa lahaan kara dhul, beer ama shirkad, dowlad iyo maamul dhul ayuu yeelan karaa. Qabiil dhul ma lahaan karo, dhulkan qabiil ayaa iska leh diin ahaan waa qalad, qofkii raba ayaa daaqsiin ku sameysanaya iyo cabitaan ku leh”.

Agaasimaha waaxda federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdinaasir Xaaji Maxamed ayaa sheegay in federaalka uu ka dhigan yahay wadajir iyo heshiis ee aanu khilaaf shaqo ku laheyn isaga oo yiri “Nidaamka federaalka ee doodaha laga dhawaajiyey inuu qeyb ka yahay khilaafka, federaal horta waa wadajir iyo heshiis, heshiisna waxaa geli kara labo qeyb iyo saddex, innaga uguma horreyno 38 dal ayaa ku caanomaashay, waa nidaam ku dhisan wada hadal joogta ah, hey’adaha dowladda ayaa laga rabaa in ay fuliyaan howlaha dhab u heshiisiinta, oo bulshadana ay qeyb ka qaataan”.

Maamo Caasho Siyaad oo iyadana goobta ka hadashay ayaa sheegtay kaalinta haweenka iyada oo tiri “Kaalinta dumarka ee dib u heshiisiinta waa muhiim, dumarka siyaasiyiin ayey leeyihiin, waxgarad ayey leeyihiin, marka waa in ay talada wax ku yeeshaan, khilaafyada aan soo marnay marka ay labada dhinac miiska iman waayeen, gabdho ayaa isku keenay sida Galkacyo ka dhacday, marka waa in gabdhaha ay kaalin ku lahaadaan dhab u heshiisiinta”

Wasaaradda haweenka ee XFS oo warbixin kusoo bandhigtay kulan dib u eegista hannaanka dhab heshiinka ayaa lagu qeexay doorka haweenka ee dhab u heshiisiinta, waxaana ku jirtay in xilliga khilaafkaadka ay haweenku qaataan kaalinta ragga ee daryeelka qoyska, ka badbaadinta bulshada ee qaxa, ka qeybgalka dibadbaxyada nabadda, nadaagadda iyo bilicda deegaanka, iyaga oo kusoo gabagabeeyey in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadasha madal kasta oo looga hadlayo masiirka umadda

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlay kulanka dib u eegista hannaanka dhab u heshiiska ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya aaney ka jirin khilaaf diini ah, isla markaana aan loo baahneyn in lagu kala tago arrimo noocaas ah.

“Hirshabelle waxaa ay fulisay dadaallo badan oo dib u xorreyn iyo ladagaalanka Khawaarijta ah. Marka aan soo afjarno, waxaa noo qorsheysan hindisayaal badan oo lagu xaqiijinayo dib usoo kabashada iyo dhab u heshiisiinta”, waxaa ay hadalladiisa ka mid ahaayeen Cali Maxamuud Absuge, sii hayaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle.

Sheekh Cabdiqani Qorane oo u hadlay Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa madasha dib u eegista hannaanka dhab u heshiinka qaran ka sheegay in takoorka, gaar ahaan guurka uu yahay arrin dhibaato ku ah dhab u heshiiska, waxaa uuna soo jeediyey in takoorka laga istaago halka ay ka joogto diinta Islaamka.

Dhanka dhaqanka, oo iyaguna hadal kasoo jeediyey ayaa sheegay in ay taageersan yihiin baaqii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee dhab u heshiiska, iyaga oo ku guubaabiyey in la sii wado tashiga noocan ah ee Soomaalida dhexdeeda ah.

Inta uu maanta socday kulanka Dib u Eegista Hanaanka Dhab u heshiiska, waxaa fadhi gaar lagu falanqeeyey Geedi socodka dhab u heshiinka iyo ka qeybgalka bulshada. Waxaana ka qeybgalay gobolka Banaadir, wasaaradda haweenka iyo qeybo ka mid ah bulshada sida , odeyaasha, dhalinyarada iyo haweenka.

Arrimaha kale ee kasoo qeybgalayaasha kulanka ay xoogga saareen waxaa ka mid ahaa arrimaha xuduudaha dhulka, dhameystirka dastuurka, laga hadlo arrimaha qabyaaladda, sida ay maamul baahinta qeyb uga qaadan karto dib u heshiisiinta, ka qeybgalka bulshada qeybaheeda kala duwan.

Berri ayaa lagu wadaa in kulamaddan Dib u Eegista Hanaanka Dhab u Heshiinta lasoo gabagabeeyo, iyada madasha ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka tirsan labada heer ee dowladda, gobolka Banaadi, bulshada rayidka iyo xubnaha beesha caalamka