U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Furtay Shir Dib-u- heshiisiin

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dib- u- heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay shir dib u heshiisiin beelo ku dagaallamay Gobolka Galgaduud ka furtay magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda maamulkaas, kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay waxgaradka laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay deegaanka Dhabbad oo 30KM u jirta magaalada Caadaado.

Odayaasha dhaqanka  labada dhinac oo wasaaraddu isugu keentay gogol nabadeed ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay qaadday ee lagu soo gabagabeynayo dirirta u dhaxeysa beelahaan oo dhowr jeer kusoo laalaabatay deegaanka, oo inta badan lagu dagaallamay dhul daaqsimeed iyo Barkado lagu keydsado biyaha, dagaallada ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo kale gaaray beelaha.

Wadahadalkaan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa beeluhu ay ku xallin doonaan dhammaan khilaafaadka si bulshada wada degta deegaanka  ay nabad iyo xasillooni ugu wada noolaadaan. Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Odaysaasha ugu baaqay inay gaaraan heshiis dhab ah iyagoo sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa heshiiska ay wada gaareen.

Nabaddoon Cabdullaahi Siciid oo ka mid ah waxgaradka ka hadlay furitaanka shirka lagu heshiisiinayo ayaa  beelahaan u sheegay dhaqan ahaan in ay soo dhoweynayaan” Waxaan soo dhaweyneynaa shirkaan waxaana ku baaqaynaa Nabad Nabad waxaan nabadda beelahaan ku bixin doonnaa waxkasta qiimo kasta ha ku kacaane” ayuu yiri isaga oo u baaqay dhinacyada.

Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud oo dhankiisa  ka hadlay madasha laga furay shirka ayaa ugu baaqay waxgaradka beelahu heshiis kama dambeys ah ay ku gaaraan”waxaan diyaar u nahay dib-u-heshiisiinta dhab waxaana ku baaqaynaa nabad ayada ayaana nolashu ku jirtaa waxaana rajeynayaa in shirkaan ku soo dhammaado guul iyo heshiis waara” ayuu yiri.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu socdoonaa maalmaha soo socda, iyadoo lagu wada in lagu soo gabagabeeyo heshiisna laga gaaro dagaal Dhabad oo ka tirsan Galgaduud ku dhex maray dhowaan beelo wada daga deegaanka, kaas oo geystay khasaare soo kala gaaray.

Beelahaan kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadaado ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, iyadoo uu ugu dambeeyay dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Dhabad, kaas oo ka biloday Barkad laga qodayay duleedka deegaanka, waxaasadda arrimaha gudaha ee Galmudug ayaa ku guuleysatay in ay isa soo hor fariisiso waxgaradka labada beelood.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada