U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Laba Arrin Oo Xasaasi Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo saartey Warmurtiyadeed kaasoo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Inkastoo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtinimo ee dowladaha Puntland iyo Koonfur Galbeed la qabto waqtigii loo qorsheeyay.

Koonfur Galbeed ayaa qorshaha uu yahay in doorashada ay ka dhacdo 17-ka bisha November ee sanadkani 2018-ka halka Puntland loo madlan yahay 08 Janaayo ee sanadka foodda inagu soo haya 2019-ka.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada