U bood dhigaalka

Wasaaradda Beeraha DFS Oo War Kasoo Saartay Ayax Ku Degay Qaar Ka Mid Ah Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid Warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaanno ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool.

Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaaradda ay waddo qorshe looga hortagaayo.

Wasiir Saciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaanno badan oo ay ku noolaayeen dad Xoolo dhaqato.

Wasaaradda Beeraha waxay diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ayaa loo dirtay degaanada ay dhibaatadu ka dhacday.