U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka ‘’ Covid-19 ayaa mar kale ka dillaacay Soomaaliya ‘’

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka  uuwajahayo mowjada seddaxaad ee xanuunka COVID-19 oo markale soo laba kacleeyay.

Wasaaradda ma aysan shaacin ayaa xaqiijin nooca viruska ee hadda soo laba kacleeyay hase ahaatee loo baahan  yahay dhaqam galinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuga COVID-19 iyo Talooyinka.

Wax ay wasaaradda caafimaadka ay soo gudbisay yaraynta isku socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa daruuriga ah, bandow habeenkii ah, in la joojiyo kulamada iyo isku imaatinnada dadka.

War- ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka  ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay “xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo laabashada caabuqa COVID-19.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay tallaabooyin ay tahay in la qaado, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimista badani kasoo qaybgalaan, Iyo in dadka ka imanaya 11 waddan ay iska soocaan dadka kale muddo 14 maalmood ah.

 

Mawduucyada:Gobollada