U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka: Soomaaliya Dhibtaatada Caafimaad Ee Ugu Weyn Waa Umul-raaca Hooyada

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen haweenka Soomaaliyeed ee u geeriyooda umul raaca.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in wasaaradda ay xil iska saareyso sidii wax looga qaban lahaa xaaladda umul raaca Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay xoogga saari doonaan sidii ay adeegyo caafimaad ay u heli lahaayeen haweenka Soomaaliyeed si looga baaqsado in ay u geeriyoodaan umul raaca.

Wasiirka ayaa tilmaantay in ay tobabar siiyeen ku dhowaad 100 gabdhood oo la xiriira umulasinimo, si kor loogu qaado muhiimadda ay leedahay in la xanaaneeyo hooyada marka ay umuleyso.

“Soomaaliya dhibaatada ugu weyn ee dhanka caafimaadka ka heysta waa umul raaca hooyada, waxaan ku dadaaleynaa in aan wax ka qabanno caafimaadka hooyada”.

Xaaladda umul-raaca hooyada Soomaaliyeed ayaa hadda waxaa ay mareysaa meel aad u sarreyso dunida gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha sida ay sheegtay  hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF.

Boqolkii kun oo haween Soomaali ah oo dhalaya waxaa umul-raacda 732 ka mid ah  wixii ka dambeeyay 1990-2016 sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF.

Goobjoog News