U bood dhigaalka

Wasaaradda Haweenka Puntland: Raggii Kufsaday Haweenka Xukun Adag Hala Mariyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Haweenka iyo Qoyska maamulka Puntland ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin in lagu tacaddiyo xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

Wasiir Anisa oo la hadashay Goobjoog News, ayaa sheegtay in ay aad ugu xunyihiin gabdhihii dhowaan lagu kufsaday degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Waxay sheegtay in ay ka dalbaneyso dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan Goldogob iney ku dadaalaan in maxkamad lasoo taago dhallinyaradii kufsigaasi ka dambeysay.

“Culimada Soomaaliyeed ee Kiisaskan ka hadashay aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaana a dalbanayaa in xukunka rasmiga ah ee dadka kufsaday gabadha ay si adag u wajahaan, waayo gabdho aan waxbo galabsan baa la kufsaday, waliba muuqaalkooda lagu baahiyey baraha bulshada, sidoo kale waxaan ku talin lahaa in xukunka lagu rido doono raggan ay noqdaan kuwo ay ku tusaale qaataan kuwa kale ee ku hamineysa in haweenka ay dhibaato u geystaan”

Wasiir Anisa ayaa ugu dambeyn sheegtay in maamulka Puntland aanu aqbali doonin in rag gabdho kufsaday xaalkooda lagu dhameeyo qaab dhaqan ama wax la mid ah, bedalkii la ciqaabi lahaa dambiilayaasha.

Dhallinyaro tiradooda lagu sheegay Lix ayaa dhowaan degmada Goldogob ee gobolka Mudug waxay ku kufsadeen Labo gabar oo kamid ahaa dadka ku dhaqan degmadaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada