U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Key Message oo ka wada shaqeynaya kor u qaadista wacyiga waxbarashada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is afagarad wada shaqeyn la gashay shirkadda Key Message, si ay kor ugu qaaddo wacyiga waxbarasho ee bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska ayaa ku qotoma in shirkaddu gacan ka geysato sameynta nuxur wacyigelineed, tababarka shaqaalaha, dejinta istaraatiijiyado kor loogu qaadayo tayada waxbarashada dalka iyo ka talo bixinta wadiiqooyinka ugu waxtarka badan ee farriimaha lagu gaarsiin karo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Key Message waa shirkad ka shaqeysa ra’yul caamka iyo xiriirka bulshada oo ka howlgasha Geeska iyo Bariga Afrika oo khibrad weyn u leh qaabeynta farriimaha wacyigelinta, sal u dhigista  iyo dejinta istaraatiijiyadaha xiriirka bulshada iyo warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn iyo shirkadaha waaweyn.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Maxamed Cabdi Xasan “Caabi” oo is afgaradka saxiixay ayaa xusay in xiriirka bulshada uu muhiimmad gaar ah u leeyahay wasaaradda maadaama ay bixiso isla markaana nidaamiso mid kamid ah adeegyada ugu muhiimsan dalka oo ah barbaarinta iyo waxbarashada.

Jaangooynta mustaqbalka carruurteena waa howsha ugu muhiimsan ee wasaaradda iyo dowladda Soomaaliya, sidaas darteed waa inaan u xulannaa wadada ugu haboon ee aan ku gaari karno ardayda, waalidka, macallinka iyo howlwadeenada waxbarashada nooc kasta iyo heer kasta”. Ayuu yiri  Maxamed Cabdi Xasan “Caabi”.

Maamulaha guud ee Key Message Calinuur Salaad ayaa sheegay inay wasaaradda kala shaqeynayaan qorshayaal cusub oo dhiirri gelinaya waxbarashada, isla markaana la jaanqaadaya isbedelka degdegga ah ee ku socda war-isgaarsiinta dunida.

Innaga oo kaashaneyna khibraddeena war-isgaasiineed ayaan dhiseynaa buundooyin u dhaxeeya bulshada, bahda waxbarashada iyo wasaaradda oo si sahlan xogta loogu kala qaadan karo” ayuu yiri.

Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa hiigsaneysa dhisidda nidaam waxbarasho oo casriyeysan, tayeysan una adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, bixiya fursado loo simanyahay, dhiirra-geliya ixtiraamka xuquuqda aadanaha, kuna saleysan mabaadi’da Islamka.

DHAMMAAD