U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Natiijada Imtixaankii Mideysnaa Ee Dugsiyada Sare

Luuliyo 24, 2019

Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaraddan oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.