U bood dhigaalka

Wasiir Juxa: Dowladda Cidna Uma Wadato Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ku sugan degmada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah aysan jirin cid gaar ah oo ay la dooneyso iney noqoto madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay u gaareen Cadaado kaliya sidii ay kula socon lahaayeen doorashadan iney ku dhacday qaab cadaalad iyo xalaal ah.

“Doorashada Galmudug waa arrin maamul goboleedku leeyahay, waxaan u nimid inaan goob joog ka ahaanno, marqaati ka ahaanno, waxaan idiin caddeynayaa in dowladda uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iyo anigu wafdiga aan hoggaaminayo aysan cid gaar ah u wadan madaxweynaha Galmudug, arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Galmudug, waa arrin idinka idiin taalla, waxaan rabnaa in doorashada si xaq ah u dhacdo, cidda kasoo baxdana mas’uuliyad weyn baa saaran” ayuu yiri wasiirka

Wasiirka oo ka hadlay sidoo kale khilaafka ka dhaxeeya iyo Ahlu-sunna ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee la doorto laga doonayo in wada hadal la furo Ahlu-sunna, dowladda dhexena ay dedaalkeeda bixin doonto.

“Cidda halkaan laga doorto waa mas’uuliyad ay leedahay iney Dhuusamreeb keento, annagana garab iyo gaashaan baan u noqon doonnaa” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maanta waxay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi, waxaana xilkaa ku tartami doona Saddex musharrax.

Goobjoog News