U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Bay’ada, Dhirta iyo Daaqa ee maamulka Galmudug C/fitaax Maxamuud Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu ku dhowaaqay in uu iska casilay xilkaasi.

C/fitaax oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in is casilaaddiisa uu u gudbiyey madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, islamarkaana uu ka aqbaley.

Wuxuu sheegay in xilkan uu uga tageyey arrimo isaga quseeya, isagoo sheegay in aaney jirin dhibaato xooggan oo kalliftey inuu xilkan ka tago.

“Anigoo ah C/fitaax Maxamuud Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda Bay’ada, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan iska casilay xilkaasi, iyadoo madaxweynaha Galmudug u gudbiyey is casilaadeydan islamarkaana uu iga aqbalay”

Horey waxaa sidan oo kale isku casilay wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug kadib markii ay sheegeen in aysan ku qancin shaqooyinka socda.

Goobjoog News