U bood dhigaalka

Wasiir Muqdisho Ugu Geeriyooday Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya qofkii labaad ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyoday magaalada Muqdisho oo lagu karaantiilay.

Allah u naxariistee muwaadinka labaad ayaa ahaa wasiirudowle ka tirsanaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan laga keenay magaalada Jowhar oo uu ku soo ritay xanuunka waxaana lagu magacaabijiay Khaliif Muumin.

Muwaadinka maanta u geeriyooday xanuunka ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii labaad oo xanuunka Coronavirus ugu geeriyooda dalka gudihiisa , waxaana sidoo kale wasaaraddu diiwaan gelisay ilaa 25 kiis oo la jiifa Covid-19.

Goobjoog News