U bood dhigaalka

Wasiirada DFS Oo Maanta Ku Shiri Doona Garoowe

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la filayaa in ay ku shiraan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Garoowe gaaray inta badan wasiirada xukuumadda federaalka oo uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkan maanta ka dhacay Garoowe ayaa ah midka ay xukuumadda yeelato Todobaadkiiba mar.

Waa shirkii Saddexaad oo golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ku yeelanayaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Horey waxay wasiirada ugu shireen magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kalasoco wararkeena kale

Goobjoog News