Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey

Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilkii xubinnimo ka qaaday Aadan Cali oo ka mid ahaa guddiga xuduudaha Hirshabelle oo dhowaan isaga magacaabay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in xilka laga qaado Aadan Cali, balse wuxuu warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka arrintaasi.

Dhowaan ayeey ahayd markii mid ka mid ah guddigan uu shaaciyey inuu iska casilay xubinnimadiisa.

Wasiir Caadle ayaa booskii uu ka eryey Aadan Cali waxa uu ku bedalay Xildhibaan Axmed Cabdi oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW