U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha gudaha oo gaaray Baydhabo, Akhriso u jeedka Socdaalka wasiir Fiqi

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Fiqi ayaa waxaa isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed.

Socdaalka wasiirka ayaa ah sidii loogu kuur gali lahaa xaaladaha kala duwan ee ka jira dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed, waxka qabashada abaaraha iyo hawlgallada ka socda deegaannada maamulkaas.

“Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Goobjoog News